Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-cali ayaa magaacabay Guddi heer Maamul ah oo u kuurgala Xaalladda magaalada Ballihadhac ee G/Sool oo todobaadkan uu dab xooggani oo geystay dhimasho iyo dhaawac saameeyn weyna ku reebay nolosha muwaadiniinta reer Ballihadhac.

Guddiga ayaa qiimayn doona baaxadda musiibadii ka dhacday halkaas, sidoo kalana iskuduwi doonna gurmadka iyo u gargaaridda shacabka Magaalada Ballihadhac.

Advertisement

Guddiga ayaa kala ah:-

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mud. Xil. Abdisahal Jaamac Maxamed- Guddoomiye
2. Xil. Sh. Adam Cabdi Xuseen- Xubin
3. Xil. Cali Daahir Cilmi- Xubin
4. Xil. Sh. Maxamuud Salaad- Xubin
5. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare,
Marwo Farduus Ibraahim Cali – Xubin
6. Marwo Basra Cumar Geelle – XubinDHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada SSC-Khaatumo
Email: Info@ssckhaatumo.so

Previous articleBooliiska Maamulka SSC Khaatumo oo soo qabtay gacan ku dhiigle ku baxsaday Laas-caanood
Next articleTaliye Sulub oo xalay afur wadareed sameeyay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here