MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliska Boliiska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray kiiska  geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan hore Axmed Aadan oo maanta ku geeriyooday Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Af-hayeenka Booliiska Sadiiq Doodishe ayaa shir jaraa’id uu qabtay wuxuu ku sheegay in xildhibaanka hore ciidamadu ka gaaren gurmadna u fidiyeen intuusan dhiman balse markii ay Isbitaal geeyeen uu halkaasi ku geeriyooday.

Advertisement

Af-hayeenka wuxuu intaasi ku daray in qofkii ugu dhawaa ee la joogay qolka laga soo qaaday ay gacanta ku hayaan ciidamadu islamarkaana la baari doono waxa sababay dhimashada iyo haduu isagu ka danbeeyo intaba.

“kama hor dhici karno baarid baa socota mar hadii la hayo kiiskii,meydkii iyo eedeysanaha intaba, dhawaan war cad baa soo bixi doona”ayuu yiri Afhayeenka.

Haddaba warka Afhayeenka oo dhameystiran halkaan ka daadow muuqaalka aan ka soo qaadanay TV-ga Qaranka:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleSAWIRRO: Meydadka shacab Falastiiniyiin ah oo laga soo saarayo dhisme lagu duqeeyay
Next articleAlshabaabka laba laba isku soo dhiibaya oo sii kordhaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here