Taliyaha saldhiga Galbeed ee Gaalkacyo Laba XidigLe Samatar Cabdulahi Awkax ayaa ka hadlay Wiilkii yaraa oo 11 jirka ahaa ee kusgi iyo dilka loogu gaystay magaalada Gaalkacyo.
Sarkaalkaan wuxuu xusay inay howlgal ku soo qabteen ila iyo 75 ruux oo dhamantood loo soo qabtay kiiska wiilka la kufsaday.
Laba XidigLe Samatar Cabdulahi Awkax wuxuu cadeeyay inay dadkaasi badan u uxiran yihiin kiiskaa foosha xun ayna sida ugu dhaw ka soo dhex saari doonan danbiilayaasha rasmiga ah.
“75 ruux waxaan ka soo qabanay meel kaam ah oo wiilku ku noolaa waxaana horkeeni doonaa cadaalada dadka ay ku cadaato”ayuu yiri laba xidigle Samatar oo u waramaayay TV-ga Puntland
Waalidiinta ayaa dalbaday in cadaalada la horkeeno kuwa wiilkooda inta kufsadeen hadana dileen islamarkaana markooda ciqaabta ay maraan sida sharciga Islaamku qabo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
DAYNIIILE.COM
