Muqdisho (dayniiile.com)-Dagaalamayaal ka tiran Kooxda Alshabaab ayaa xalay weerar waxay ku qaadeen fariisin ciidamada Dowladu ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Jaziira ee Muqdisho kaga abaaran dhanka xeebta.

Dagaalkaan ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan xili waliba habeen ah iyadoo aad looga maqlayay degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Advertisement

Ciidamada Dowlada ayaa la sheegay inay ka horageen weearka lagu soo qaaday ayna markii danbe ay meesha isaga carareen dagaalyahanadii kooxda Alshabaab oo markii horaba arbuhaad ka ahayd.

Alshabaab ayaa dhankooda sheegteen inay weerarkaasi iyagu ka danbeyaan isala-markana ay khasaare gaarsiiyee kuwa Dowlada ee fariisinka ku leh duleedka deegaanka Jaziira.

Dhanka Dowlada wax wara kama soo bixin balse waxaa lagu wadaa inay saraakiisha Amnigu saxaafada la wadaagaan dagaalkaasi jiritaankiisa iyo khasaaraha ka dhashay labada dhinac inteey ka war hayaan.

Dhanka kale dagaalkaan wuxuu mataan la yahay kii maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha oo qiyaas ahaan labada dhinacba 20 KM u wada jira Muqdisho waxaana lala wada eegtay fariisimaha laga waardiyeeyo waxa soo galaya Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleBooliiska Puntland oo 75 ruux usoo qabteen kiiska Wiilkii la kufsaday
Next articleLaba Askari oo maanta Xukun dil ah lagu fuliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here