GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan oo Reer Puntland ah ayaa dhawaan waxay dhaceen Geel laga leeyahay dhanka Galmudug taasoo keentay labada maamul inay iskaashi ka sameeyaan si loo soo celiyo.

Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa ku guuleystay inay Geelaas iyo kooxihii dhacayba gacanta ku soo dhigaan kadibna ku wareejiyaan Geela masuuliyiin reer Galmudug ah.

Advertisement

Shir jaraa’id ayay wada qabteen maamulada Gobolka Mudug ee labada dhinac, waxayna soo bandhigeen Geellii markaas kadibna waxaa lagu wareejiyay Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Faysal Cali ayaa sheegay inay heleen xogta burcada kuwaaasoo gaari saartay geella.

“Waxaan xogta ku helnay inay gaari ula dhaqaaqeen dhanka laamiga dheer, koleey waxay rabeen Boosaaso ama Garowe inay u iib gaystaan laakiin dabagal kadib gacanta ayaan ku soo dhignay”ayuu yiri Gudoomiye Faysal.

Gudoomiyaha wuxuu intaasi ku daray in cid kasta oo xoolo laga dhaco ay fiicnaan lahayd inay ku soo war geliyaan hay’adaha amniga halkii qorey inta lala cararo dhibaato ka weyn la geysan lahaa.

Warbaahinta hortooda ahay reer puntland xoolahaasi kula wareejiyeen masuuliyiinta Galmudug.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Gal-mudug C/nasir C/qaaadir Cabdulle oo isna ka hadlay goobta geela lagu kala wareejinayay ayaa uga mahadceliyay Booliiska Gobolka Nugaal ee Puntland kuwaaaoo gacan weyn ka gaystay soo qabashada burcada iyo Geella.

Dhanka kale Nabadoono goobta ka hadlay ayaa sidoo kale waxay u mahadceliyeen Maamulka Puntland .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo ka qeybgalay Affur Wadareedka Sanadlaha ah+SAWIRRO
Next articleXarun Caafimaad oo loo dhisay Ciidamada Badda+SAWIRRO 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here