Muqdisho, 22 Maarso 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xmasa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey Affur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan, ayaa ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay si aan dalku u gelin hubinta la’aan siyaasadeedna in ay muhiim tahay in hadda sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u imaan muran siyaasadeed oo doorashooyinka la xiriira.

“Berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay, si aan dalku u gelin hubinti la’aan siyaasadeed, waxaan u baahan nahay hadda in guddi doorasho la magacaabo, iyaguna ay diyaariyaan axsaabtii, si dalku waqtigii loogu talagalay u galo doorasho aan muran lahayn”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.
Mudane Xamsa ayaa xusay in Dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah, muhiimna ay tahay in looga danbeeyo hey’adaha shaqada ku leh, si meesha looga saaro arrimaha waaweyn ee dastuurka ku xiran, sida gobonnimada, amniga iyo horumarka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in amniga caasimadda uu ka muuqdo isbeddel u baahan in horey loo sii wado, isaga oo bogaadiyey tallaabooyinka lagu ciribtirayo dhaqam
ada xun-xun ee dhaawacaya bulshada Diinteeda iyo dhaqankeeda.
—DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of ‎8 people and ‎text that says '‎SOOMAALIYA REERTA BEERTA NABADDA FUR WADAREEDKA SANNADLAHA AH IS ARAGGA XUKUUMADDA JFS IYO BULSHADA QEYBAHEEDA 445 رمضان 12 الجمعة ،السنوى الإفطار INUAL IFTAR, FRIDAY, 12 RAMADAN 1445 BADDA τον ov.so so‎'‎‎No photo description available.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleNo photo description available.May be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 people and weddingMay be an image of one or more peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of one or more people and dais
Previous articleGudoomiye Aadan Madoobe oo Caawa Hoygiisa afur ugu sameeyay Xildhibaano Kenya ka socday+SAWIRRO
Next articleBooliiska Puntland oo dib usoo celiyay Geel laga soo dhacay dhanka Galmudug+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here