MUQDISHO(DAYNIILE..COM)-Ciidanka Booliiska Caasimada Somaliya ee Xamar ayaa soo xirey haweeneey dhawaan baraha bulshada kaga hanjabtay madaxda Dowlada Somalia.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Fartuun Nuur Maxamad waxay booliisku ku soo eedeeyeen Afxumo ay kula kacday Madaxda dalka iyo ku lug lahaan-shaha Kicin Dadweyne.

Advertisement

Saldhiga Booliiska Degmada Dharkeenleey ayay ku xiran tahay waxaana lagu wadaa in Maxkamad la soo taago.

Fartuun waxay baraha bulshada ka soo kuuqatay iyadoo adeegsaneysa magaca reerka ay ka dhalatay waxay xustay inay dilayaan Madaxweynaha Dalka hadii dilka lagu fuliyo taliyihii saldhiga Heliwaa oo dhawaan maxkmada ciidamadu dil ku xukuntay markii lagu soo eedeeyay dilka qof shacab ah.

Taliska Booliiska ayaa maalmahaan danbe si xowli ah Muqdisha uga wada qorshe xabsiga lagu qab qabanayo dhalinyarada adeegsata baraha bulshada kuwaasoo koox koox qabiileysan u  kala baxay iyagoo wada kicin bulsho iyo abuuris xasarado xili isku balansanayaan laamiyada si ay isu fara saaraan qaab qabyaaladeysan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here