Waraysiga wiilkan wuxuu i soo xasuusiyay Qiso dhexmartay C/salaan Jaluut iyo Kornayl Qadaafigii Liibiya 4-ka sano xukumaayay.

Advertisement

Jaluut iyo Qadaafi waxay ahaayeen saaxiib dhow oo 1969 xukunka dalka Liibiya afgambi Milateri ku wada qabsaday. C/salaan wuxuu ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka, wuxuuna ahaa nin ku dhac leh oo Qadaafi runta kula dhiirrada. Wuxuu mar kasta ku oran jiray “war dalka sidan u dhaan oo xukunka furfur, dadkana cabburinta iyo cadaadiska xad dhaafka ah ka daa”.

Qadaafi oo doonayaa in uu C/salaan cashar siiyo ayaa maalin maalmaha ka mid ah gaarigiisa ku qaaday, wuxuuna C/salaan u dhiibay qafis (Cage) aan dabool lahayn oo dooli/ jiir ku jiro, wuxuuna ku xujeeyey in uusan dooligu ka baxsan.

C/salaan wuxuu ku dhibtooday celcelintii dooliga’ markii uu muddo socday ayuu Qadaafi gaarigii joojiyey, qafaskii dooliga ku jiray ayuu ka qaaday, wuxuuna ku yiri gaariga kaxee, eegna sida aan dooliga u galo.

Qadaafi qafaskii ayuu xoog u ruxay, ka dibna wareejiyey, dooligii ayaa dawaqay/ wareeray, wada suuxay.

Kolkaabuu intuu C/salaan ku jeestay yiri;

“Sidaa qura ee mujtamaca Liibiya lagu xukumi karaa waa in aad dawaqiso/wareeriso, haddii aan nafis siiyo sida dooligaa oo kale ayey qafaska ka wada boodayaan”.

Willkani wuxuu ka sheekaynayo wax cusub maaha, waa Falfasad xukun oo la garanayo, Kacaankii bolshevik ee Lenin iyo Stalin ayaa laga soo min guuriyey, waddamo tiro yar oo Waqooyiga Kuuriya, Eritrea iyo Liibiya xiligii Qadaafi ayaa lagu dhaqaa.

Dadka sida argagexisada oo kale ayaa loo tababaraa, waa la maskax mayraa (brain wash), ka dibna sida uu sheegay caqligooda laga takhalusaa oo ruuxdoodaa lagu adeegtaa.

Waaya-aragnimada iyo xaalada uu wiilku tebinayo ma aha kuwo afka looga sheegay ee waa kuwa uu soo maray soona cabay. Kala duwan qof wax loo soo dhiibay sheegaya iyo ruux fikrad gashay oo ku duxay tebinaya.

QORE: Xildhibaan C/raxmaan C/Shukuur Warsame

Previous articleSirta ku hoos duugan dhulka SSC Khaatumo
Next articleQaar ka mida TV-yada Somalida oo dhaliil u jeediyay Madaxtoyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here