Prof.Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid aqoonyahanada hadana qorayaasha ah ayaa kashifay sir weyn oo ka jirta Dhulka SSC Khaatumo.

Qoraalka Prof Yaxye Sheekh Caamir ayaa sidaan u qoran:-

Advertisement

Waxaa lagu yiri: Laascaano Dagaal Qabiil ayaa ka socdo, Isaaqaa ku soo duulay Dhulbahante, maya Somaliland iyo SSC ayaa Dagaalayo. Maya waa Daarood iyo Irir, maya Puntland ayaa isku dirtay, maya Daarood oo dhan ayaa u soo gurmaday. Maya khaatumo ayaa rabto midnimo Qaran. Khaatumo ayaa ka go’day Punt land, maya Ethiopia iyo Ismaamulka Somalida ayaa soo fara galiyay, Maya Jabuuti iyo Dowladda Federaalka ayaa Hub u diray. Maya Garaadyo Dalka ka maqnaa jiray ayaa la soo Howl galiyay. Waxaad ku mashquushay Dhinaca Xarashka Arintana waxaa lagaa tusay hal dhinac, ee Madaxana fiiri.

2. Madax.

Ceelka shidaal ee Holhol oo ah kan ugu weeyn deegaankaa ayaa u sabab ah Dagaalka.

A) Hore Shirkad Shidaal ee Norway leedahay ayaa heshiis la gashay Laba maamul oo aan la aqoonsaneeyn, sharciguna uuna ogoleeyn in ay heshiis la gasho, iyada oo og ayeey shaqadii bilaawday si ay Boos xirasho uga dhigato. Lacag badanna waa ku bixisay, Madaxdii Labada Gobalna farahooda ayaa Dufanku gaaray

B) Shirkad kale oo Swedish ah ayaa isla Aagii loo saxiixay, Lacagna looga qaatay, Shirkadahii Labadaa Dal ayaa dhaxdooda Colaadi ka bilaabatay, Colaadiina u soo Xawilay Somalida dhaxdeeda.

C) Ingiriiska oo ka baxay Midawga Yurub, kana xun in laba Dal oo yar yar oo Reer Yurub ah ay kala wareegaan Somali land ayaa yiri: Xuduudii aan ka tagay ee Somali land lama kala jari karo, Si uu Buuq ugu furu arinta, SSC ayaa ka jawaabtay oo tiri: Ingriisku yuuna na fara galin anagu waan Go’eeynaa. Safiirka Ingiriiska u joogo Somaliya ayaa tagay Punt land isga oo leh khilaafka Doorashada ee punt land ayaan dhameeynaa, Lakin Ajanduhu waxa uu u ekaa irid kale oo khaatumo laga soo gali karo haddii dhinaca Somali land Dantiisa uu ku gaari waayo. Mar kale Hogaamiya yaashii dhaqanka SSC oo siyaasiyiin Somaliya ay gadaal ka riixee ayaa diiday in punt land Ingiriisku u soo dhax maro, kadibna waxa ay yiraahdeen waanba ka baxnay Punt land, Cidii rabto Ceelka holhol Anaga hanala xiriirto.

Madaxda Somali land, Somaliya JFS, Punt land iyo Jabuuti ayaa mid kasta waxa uu rabaa in uuna Xilka wareejin inta Holhol xalkeeda uu wax ka saxiixayo si uu kuriskiisa u sii jiscinto, inta ka horeyso Afartaa Midkoodna ma rabo in uu Xilka wareejiyo.

FG: ma ii sheegi kartaa Hal Dal oo Africaan ah oo shidaal laga helay oo aan dagaal ka dhicin, kadibna Lagu wareejiyo Madax aan la taaba karin oo muddo dheer xilka hayo, kadibana isla shirkaduhu ay Xilka ka tuuraan.

Hadda, Wadamo kale oo rabo in ay arinta Door ku yeeshaan ayaa iyana soo kiciyay Mucaarad Heer Dowlad Gobaleed ah iyo Mid Heer Federaal ah.

Fiiri dhinaca Xarshka. arinta waxaa lagaa tusay dhinaca ah in Qabiila somaliya ay SSC ku dagaalayaan
Fiiri Dhica Madaxana, Duul aan Somali aheyn ayaa Dagaalka isteerinka u hayo. Kadibna Labada dhinac ka fiiri Shillinka. Yaan lagu Ajarin (F.S:2-4aad)

Ogowna Arimaha shidaalka la xiriirto Somalidu hal waddo ayeey uga reey kartaa Shirkadaha ugana Badbaadi kartaa Colaad shidaal oo dhaxdeeda laga abuuro. Taa ma ogtahay?
Xarash iyo Madax Labadaba iska hubi, yaan lagu gaadin.

Qore : Yahya Amir

Previous articleDAAWO: Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay Qof Ajnabi ah iyo Agab loo waday dhanka Alshabaab
Next articleC/raxman C/shukuur “Waraysiga wiilkan wuxuu i soo xasuusiyay Qiso dhexmartay C/salaan Jaluut iyo Kornayl Qadaafigii Liibiya 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here