Wasiirka arimaha gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure ayaa sheegay in Maamulka Hirshabeele uu makii horana ahaa hadana yahay  hormuudka dagaalada dalka looga saaraayo Alshabaab sida uu warka u dhigay.

Wasiirka oo wareysi siiyay TV-ga Qaranka ayaa xusay inay hada deegaano hor leh oo Hirshabelle ka mida ay ka wadaan abaabulka dagaalada kuwaasoo aan hore uga muuqan dagaalada.

Advertisement

“ deegaano hor leh oo Hirshabelle ka tirsan ayaan abaabulka Dagaalada ka wadnaa sida galbeedka Gobolka Hiiraan,iyo wabiga jiinkiisa ”ayuu yiri Wasiir Cabdi Daahir Guurre

“Mar kasta lanbar 1 ayan nahay, saldhiga dagaalkana Hirshabelle ayuu yaalay,go’aanka in khawaarijta dalka laga saaro anagaa qaadanay,dhamaan shacabkeena iyo masuuliyiinteena way naga go’an tahay dagaalka”ayuu mar kale yiri

Mar uu ka hadlaay qorshayaasha Dowlada ee ku wajahan dagaalada ayuu sheegay in Madaxa Dowladu amreen in xildhibaanada iyo masuuliyiinta kalaba in  lagu laabto deegaanada lagana xoreeyo Alshabaab.

“waxaa nagu soo biiray Madaxweynaha State-ka ku xigeenkiisa,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xiildhibaanada laga soo doorto Hirshabelle,qorshuhuna waa in dhamaan deegaanada laga wada howlgalo si dadku xornimo ugu noolaadaan”ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle

 

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here