Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab ayaa  booqday deegaanka Qurac-madoobe oo lagu diyaariyay ciidamo ka tirsan xoogaga dib u xoreynta deegaanka.
Madaxweynaha oo la hadlay Ciidanka geesiyaasha ah ee u soo baxay ka qeybgalka howlagalka lagu ciribtirayo Khawaajta ayaa ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee ay ugu diyaar garoobeen dagaalka lagula jiro cadowgaan mudada dheer u taagnaa xasuuqa iyo baabi’inta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha waxaaa socdaalkan ku wehliyay Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo Masuuliyiin kale.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADD HIRSHABEELLE
May be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 7 people and textMay be an image of 2 people
Previous articleKhasaare Hantiyadeed oo ka dhashay Dabkii Xalay qabsaday Martiini
Next articleRa’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka uga digay……+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here