JOWHAR (DAYNIILE.C COM)-Waxaa Maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle gaaray Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle.

Gudoomiyaha wuxuu Jowhar kula kulmau Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen waxayna ka wada hadleen xaalada guud ee dalka gaar ahaan saameyntii ka dhalatay roobabkii waa weynaa ee dalka ka da’ay gaar ahaan dabeylihii Elnino.
Shirkaan oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin Hirshabele iyo maamulka Gobolka Sh.dhexe ka socda ayaa waxaa sidoo klale la iskula soo qaaday sidii loogu diyaar garoobi lahaa roobabka Gu’ga oo laga yaabo in uu wato daadad iyo fatahaado.

Shalay ayay ahayd markii Gudoomiyaha Hay’ada maareynta Masiibooyinka iyo madax ka socotay Qaramada Midoobe ay ka wada haleen in la soo qiimeeyo guud ahaan dalka Somalia saameyntii uu reebay ELNINO.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people and helicopterMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 7 people and dais
Previous articleMadaxweynaha Somalia oo saxiixay heshiiska Amni ee Turkey iyo Somalia
Next articleShirkii Gudiga oo lagu shaaciyay in dooda dastuurku u gud-bayo  cutubka labaad+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here