Muqdisho, Febraayo, 22,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 14-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xubnaha guddiga uga warbixiyay xaalada guud ee dalka gaar arrimaha difaaca iyo u istaagida ilaalinta madaxbanaanida iyo gobonimada dalka ayaa mudanayaasha labada aqal ku amaanay dedaalkooda joogtada ah. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa guddiga warbixin ka siiyay dooda dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG oo la soo gabagabeeyay cutubka koowaad iyo bilaawida cutubka labaad ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad Xil. Xuseen Iidow ayaa guddiga uga warbixiyay fahamka iyo halka uu maraayo doodaha iyo shintiriska Dastuurka oo dhowaan la bilaabi doonto cutubkiisa labaad.

Gunaanadka kulanka ayaa xubanaha Guddiga Joogtada waxay ka doodeen hubinta ajandyaasha isbuuclaha ah sida shintiriska, hindise sharciyeedyada iyo ajendeyaasha kale muhiimka ah ee horyaala fadhiga Golaha Shacabka.
May be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and dais
Previous articleCali guud-laawe oo Jowhar ku qaabilay Maxamuud Macalin Cabdulle+SAWIRO
Next articleXukunka tira maleeshiyaad ah oo ku dhaawacmay dagaallo kala Duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here