Kulan ay ku yeesheen Gobolka Shabeelaha dhexe Taliska Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Burundi ee ATMIS ayay ka wada hadleen xaalada Amni ee Deegaanada Hirshabelle iyo meelaha ay marayaan howgalada ka dhanka ah Alshabaab.

Taliyaha Ciidamada Burundi qeybtooda 5-aad Sar. G. Jean Claude Niyiburana ayaa kulan la yeeshay Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya ee ku sugan Goolka Shabeelaha dhexe kaasoo lagu magacaabo Asad Cusmaan Afrax.

Advertisement

Sarkaalkaan oo ka tirsan guutada 164-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kala hadlay Taliyaha Atmis dar dar gelinta dagaalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Ashabaab iyo xiririka wada shaqeyneed ee labada dhinac.

Waxay iska garteen howlgal ay Alshabaab kaga saarayaan deegaanada uu kaga harsan yahay Dhulka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ma aysan sheehin waqtiga iyo deegaanada u qorsheysan inay duulaanka ku qaadaan madaama sheekadaani tahay arimo ciidan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 6 people and text

Previous articleDowlada oo mar kale ku dhawaaqday inay dhagaxyada ka qaadayaan laamiyada Muqdisho.
Next articleLabadas Gudoon Baarlamaan oo kulan ku yeeshay Muqdishio+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here