Baraawe (dayniiile.com)-Ciidamada Amniga ee Magaala Xeebeedka Baraawe Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa Atmis ayaa maanta ku guuleystay inay qabtaan miinooyin la geliyay duleedka Baraawe.

Gudoomiyaha Magaalad Baraawe ahna duqa Magaalada Cumar Sheekh Cabdi Shafaani ayaa saxaafada uga warbixiyay howlgalka maanta ay ciidamadu ku fashiliyeen miinooyinka wadada lagu aasay kadibna meel cidlo ah lagu qarxiyay.

Advertisement

Gudooomiyaha wuxu ku amaanay ciidamada Atmis iyo kuwa amniga Baraawe inay ku guuleysteen fashilinta miinooyinkaan wadada la geliyay

“Qoloda dhagar-qabayaasha ayaa aasay miinadaan laakiin ciidamada amniga Baraawe ayaa fashliyay”ayuu yiri Duqa Baraawe

Gudoomiyaha Baraawe wuxuu  intaas ku daray in miinooyinkaan aysan ka hor istaaagi doonin dhismaha wado u dhexeysa Magaalada iyo Garoonka diyaaradaha Baraawe oo dhawaan la hirgelinayo.

“Dhismaha jidkaan waan dhameytireynaa mana loo istaajin doono isku dayada Alshabaab,wax kasta ay keenaan waxaan nahay kuwii fashliya hadii Alle idmo sida maantaba loo fashiliyay” ayuu yiri Gudoomiye Cumar Sheikh Cabdi

Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale ugu baaqay kooxda Alshabaab inay iska daayaan miinooyinka ay waqtiga iska gelinayaan taas badalkeedana ay shacabkooda si wanaagsan ula dhaqmaan.

Dhanka kale waxaa isna ka hadlay Sarkaal Booliis ah kaasoo xusay inay Ciidamada Atmis qarxinta iyo fashalinmtaba ay gacan ku lahaayeen isagoo kaga mahad celiyay ciidamada Amniga Baraawe iyo  kuwa Atmis dadaalkooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleWeerar qaraxyo ah oo maanta ka dhacay  Dalka Turkey
Next articleMadaxweyne Xigeenka Juballand oo maamul cusub u magacaabay Degmada Luuq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here