Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoodooda Caalamiga ah ay hawlgal Qorshaysan ka fuliyay deegaanka Qoob-Yaxaas ee Gobalka Hiiraan ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hawlgalka lagu beegsaday Xarun Al-Shabaab ay ku lahayd deegaanka, iyada oo Xilliga uu hawlgalku dhacayay Goobta uu shir uga socday xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Advertisement

Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobtii isla markaana halkaas lagu laayo, waxaana sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wataan. Sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hawgalkaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo guud ahaan dalka ay ka socoto qaban qaabada wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la filaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga dhawaaqo Magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda Gobolka Galgaduud

Previous articleMaxamed El-Amine Souef : Waxaa naga go’an in aan ciidamada Soomaaliya ku wareejino masuuliyadda amniga dalkooda
Next articleMADAX KA TIRSAN PUNTLAND IYO DOWLADDA SOOMAALIYA OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA LOO DOORTAY SSC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here