Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdillaahi Cali Xirsi Tima-cadde ayaa hambalyo u diray Hoggaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC-Khaatumo.

“Waxaan halkaan uga Hambalyeynayaa  Hogaanka  cusub ee loo doortay Maamulka SSC- Khaatumo  Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Ismaaciil ” ayuu yiri Sen. Tima-cadde.

Advertisement

“Waxaan sidoo kale u Hambalyeynayaa gudoomiyaha  iyo gudoomiye ku  xigeenka golaha dhexe ee SSC- Khaatumo.Dhsmaan xubnaha kale ee tartamay oo muujiyey in ay u heelan yihiin hogaaminta SSC  xiligaan adag” ayuu sii raaciyay.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale hambalyo u diray Hoggaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC-Khaatumo.

“Madaxweyne Axmed Karaash “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hogaamiyaha SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) oo galabta lagu doortay magaalada Laascaanood” ayuu yiri Axmed Karaash.

“Waxaan u rajaynayaa in hogaanka cusub ay dar-dar geliyaan Arrimaha baaxada leh ee ka jira gobolka oo ay ugu horeeyaan dhamaystirka halganka iyo soo celinta Nolosha bulsho ee deegaan” ayuu ku sii daray Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Previous articleCiidamada dowladda hawgal ka dhan ah AS ka sameeyey deegaanka Qoob-Yaxaas ee Gobalka Hiiraan
Next articleMadaxweyne xilka laga tuuray oo u qeylo-dhaamiyay Mareykanka iyo Beesha Caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here