Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger Mohamed Bazoum ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo beesha caalamka in ay caawiyaan dalkiisa,isla markaana ay soo celiyaan nidaamkii dastuuriga ahaa ee dalkaasi.

Bazoum, oo todobaadkii hore ay militariga xilka ka qaadeen, ayaa hadal uu ku daabacay Washington Post ku sheegay ku muujiyay digniin ku saabsan  cawaaqib xumada ka dhalan karta xukunka mileteriga haddii uu guulaysto afgambiga isaga ka dhanka ah.

Advertisement

“Inqilaabka ay sameeyeen koox ka tirsan millatariga ee dhacay July 26, wax cudurdaar ah ma ma lahan haddii ay guulaystaan kooxdaasina waxay cawaaqib xun ku yeelan doontaa dalkeena, gobolka iyo adduunka oo dhan” Mohamed Bazoum ayaa sidaas sheegay maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd.

Madaxweynaha xilka laga tuuray ee Niger oo ka mid ah hogaamiyayaasha taageera reer galbeedka ayaa sheegay in dalka ku yaal galbeedka Afrika uu ahaa iftiinka rajada gobolka ee ay ragaadiyeen rabshadaha ku lugta lehxagjirnimada.

Previous articleMADAX KA TIRSAN PUNTLAND IYO DOWLADDA SOOMAALIYA OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA LOO DOORTAY SSC
Next articleDEG DEG: Weerar toos ah oo lagu Saakay barkoontarool ee ku yaalo Muqdishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here