QAZA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helayo Bariga Quddus ee la haysto ayaa sheegaya in Ciidamada  Israa’iil qafaasheen  kumannaan falastiiniyiin ah tan iyo weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar.
Tirada ay Yuhuudu qafàsheen waxaa lagu sheegay 7,350 Falastiiniyiin ah intii uu socday dagaalkii Gaza.
Talaabooyinkaani Yuhuudu qaadey waxay sii kordhisay rabshadaha,  waxaana ka sii dhashay in  Yuhuudu ku duulaan  guryaha ku yaal Daanta Galbeed ee la haysto iyagoo garaacaya qof kasta oo gudaha ku jira.
Falastiiniyiinta ayaa la kulma xadgudubyo intaa ka sii badan.
“Xitaa naloolama dhaqmin sida xayawaanka, ugu yaraan xoolaha waxaa loola dhaqmaa si sharaf leh.”ayuu yiri Matar oo 54 jir ah seddex bilood ka dib markii laga soo daayay xabsiga.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleHay’ada Taya-dhowrka oo beenisay in burkii dhacay suuqyada lagu fasaxay
Next articleShariif Sh.Axmed oo goor dhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here