MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hay’ada Taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id ay Muqdisho ku qabatay waxay beenisay in suuqyada lagu fasaxa bur dhacay oo dhawaan Dekada lagu qabtay.
Agaasimaha ilaalinta tayada badeecadaha suuqyada Maxamuud Cilmi Fiidshe ayaa gudaha dekada Xamar kula hadlay saxaafada, wuxuuna usoo bandhigay dhamana kunteenaradii todobada ahaa ee burkaasi ku jirey  isagoona beeniyay wararka  baraha bulshada lagu faafiyay ee ah in la fasaxay burkii dhacay.
“Waad aragtaan burkii gadaasheyda yaal dhamaantiis wuxuu wali ku jiraa gacanta Dowlada Soomaaliyeed, mana aha wax jira  wararka la faafiyay”ayuu yiri Agaasime Maxamuud Fiidshe
Sidoo kale wuxuu sheegay inay guud ahaab todobada kunteenar ku wareejiyeen Taliska Booliiska gaar ahaa  Saldhiga ay ku leeyihiin gudaha Dekada.
Agaasimaha wuxuu cadeeyay in shaqadoodii intaas ku egtahay oo ahayd inay cadeeyaan in raashinkaasi tayadiisu dhacday islamarkaana wixiii intaas ka danbeeya hay’adaha kale ay dhamestiri doonaan wixii haray oo ah in la gubo ama la bur buriyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleIsbitaalka Guled oo bukaankii u horeeyey u sameeyey qaliinka lagu furo xididada Wadnaha+SAWIRRO
Next articleCiidamada Israa’iil oo qafaashay ku dhawaad 8 kun Falastiiniyiin ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here