Qeybta daryeelka & Caafimaadka Wadnaha (Heart Center) ee Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled ayaa bukaankii u horeeyey waxaa loogu sameeyey qaliinka lagu furo xididada xirma ee Wadnaha, iyadoo la adeegsanayo qalabka casriga ah ee (Cardiac Catheterization Lab) oo dhowaan lagu soo kordhiyey Isbitaalka.

Dr. Maxamed Axmed Yusuf Guled Madaxa Qeybta Caafimaadka Wadnaha ee Isbitaalka, ahna dhaqtar ku taqasusay cudurada Wadnaha (Cardiology) ayaa sheegay in qaliinka loo sameeyey bukaankaas uu noqday mid lagu guuleystay.

Advertisement

“Waxaa ILAAHAY Mahadiis inoo suuragashay inaan bukaankii ugu horeeyey u sameyno qaliin loogu furay xidid ka mid ah xididada wadnaha oo xirmay, bukaankaas oo ahaa mid muddo nala socday oo markii hore aan isku daynay inaan qaab daaweyn ah ku xalino, balse gaaray xaalad dawadii ay wax ka tari weysay, lagana helay calaamadihii muujinayey inuu daciifay wadnaha ka dibna waxaan u sameynay qaliin lagu guuleystay oo loogu furay xididkii xirnaa ee ka mid ahaa kuwii waraabinayey wadnaha, bukaankiina aad ayey hadda xaaladiisu u fiican tahay” ayuu yiri Dr. Maxamed Guled.

Cali Macalin Axmed oo ah bukaanka loo sameeyey qaliinka ayaa sheegay in muddo labo sano ah ah uu la tacaalayey dhibaato ka heysatay dhinaca Wadnaha, Isbitaalo badana uu tagay balse ay waxba ka qaban waayeen marka laga reebo Guled Hospital.

“Ugu dambeyn waxaan imid Isbitaalka Guled, baaritaan dheer ka dibna waxay ii sheegeen inuu xiran yahay mid ka mid ah xididaha wadnaha oo aan u shaqeynaynin sidii loogu talo galay, loona baahan yahay qaliin in lagu sameeyo, Alxamdulilah qaliinkii waa lagu guuleystay, waxaa Isbitaalka la i keenay anigoo aan awoodin socod, iyo hadal midna garbahana la iga hayo, nasiib wanaag maanta anigoo caafimaad qaba oo ku socda lugahayga ayaan ka baxayaa, waxaan sidaas uga kaaftoomay safarkii India iyo dalal kale oo qaliinkan loo aadi jiray ” ayuu yiri Cali Macalin Axmed oo u mahad celiyey Maamulka Isbitaalka Guled iyo dhaqaatiirtii ka qeyb qaatay qaliinka loogu furay xididka xirnaa ee wadnaha.

Dhinaca kale, Dr. Maxamed Axmed Yusuf Guled ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada qaliimada lagu sameyn doono qeybta cusub ee daryeelka iyo Caafimaadka wadnaha.

“Qeybtan cusub oo ay ka howlgelayaan anaga iyo dhaqaatiir taqasus leh oo ajnabi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sameyn doonaa waxa loo yaqaano (Coronary angriography) iyo (Coronary angioplasty) oo ah in xididada wadnaha la qiimeeyo xaaladahooda ka dib haddii ay u baahdaan xididaha qaarkood in la furo la furi karo, sidoo kale xididada (Peripheral) sida kuwa lugaha oo kale waa ku sameynaynaa, waxaa kale oo ka mid ah shaqada aan qaban doono batariga wadnaha noocyadiisa kala duwan haddii uu u baahan yahay in bukaanka loo geliyo (All Types of Pacemakers), waxyaabaha aan sameynayno waxa kale oo ka mid ah in caruurta duleelada ku leh wadnaha loo xiro anagoo adeegsanayna qaab casri ah oo aan loo baahneyn in gudaha wadnaha la galo ama la jeexo” ayuu yiri Dr. Maxamed Guled oo intaas ku daray in dhammaan adeegyadaas loo fulin doono qaab la jaanqaadaya Standarka aduunyada.

Qeybta daryeelka caafimaadka wadnaha (Heart Center) ayaa ka mid ah labo qeybood oo dhowaan lagu soo kordhiyey Isbitaalka sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Guled Specialist Hospital Prof.Dr Ahmed Yusuf Guled si ay bulshada uga haqabtiraan adeegyada Caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka, loogana maarmo adeegyadii dibeda loo aadi jiray ee kharashka faraha badan uu dadka kaga bixi jiray.

Previous articleTaliyaha Ciidamada Xoogga oo Xarardheere gaaray+SAWIRRO
Next articleHay’ada Taya-dhowrka oo beenisay in burkii dhacay suuqyada lagu fasaxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here