XARARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye-Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa gaaray Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Taliyaha iyo Wafdiga saraakiil uu Horkacaya ayaa u tagay xarar dheere u kuurgalida xaalada Magaalada iyo dhiiri gelinta Ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada hogaamisa kuwaasoo warbixin siiyeen taliyaha gaar ahaan halka howlgaladu wax marayaan.
Sareeye Gaas Ibraahin  Sheekh Muxudiin wuxuu ciidamada faray inay u diyaar garoobaan howlgalo dheeraad ah oo ka dhan ah Alshabaabka ku suga  deegaano hoos taga Gobolka Mudug.
Booqashada Taliyaha ayaa ku soo aadaya xili ciidamada Dowlada dhawaan isaga soo baxeen deegaano dhowr ah sida Caad iyo Camaara.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDilalkii foosha xumaa oo wali Xamar ka sii socda
Next articleIsbitaalka Guled oo bukaankii u horeeyey u sameeyey qaliinka lagu furo xididada Wadnaha+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here