GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheikh Axmed ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Xildhibaan Shariif Sh.Axmed waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha  magaalada Garowe,waxaana halkaas kaga hor tagay  Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Advertisement

Maalin ka hor waxaa isna gaaray Garowe Madaxweynihii hore Xildhihaan Maxamed C/llaahi Farmaajo iyadoona lagu wado in Garowe uu ka bilowdo kulamo u dhexeeya Madaxweynayaasha hore iyo Madaxweynaha Puntland.

Dhinacyadaan oo la hadal hayo inay wadaan qorshe ay ku mideynayaan siyaasadooda mustaqbalka marka doorashda la gaaro ayaa salka ku heysa sidii midkood Madaxweyne uga noqon lahaa Soomaaliya.

Sidoo kale waxay doonayaan inay si mideysan uga hor tagaan qorshaha wax ka badalka Dastuurka iyo ansixintiisa kaasoo ay wadaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Siyaasiyiintaan waxay saluugsan yihiin habka iyo wadada ay Dowlada Xasan Sheekh u mareyso ansixinta Dastuurka oo ay ka dbex arkaan in Madaxweyne Xasan danihiisa kursiga ku dabaqayo habka dasatuur ansixinta.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleCiidamada Israa’iil oo qafaashay ku dhawaad 8 kun Falastiiniyiin ah
Next articleMUQIDISHO: Maxaabiis maanta Cafis madaxweyne lagu sii daayay Ramadaanka dartiis+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here