DOOLOWO (DAYNIIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Geddo ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ku dhaqaaqeen Talaabooyin dagaal siyaasadeed horseedi kara taasoo ay ugu horeyso in Dowladu dalka ka saarto ciidamada Itoobiya ee magaca ATMIS ku jooda dalka.

Magaalada Doolow ee Gobolka Geddo ayaa laga soo sheegayaa inay Ciidamada Itoobiya ka qoteem dhufeysto waa weyn oo loogu talo galay inay difaac ka dhigyaan kumanaan askari.

Advertisement

Wararka sidoo kale  xiisada ka dhex abuuri kara siyaasad ahaan labada dal ayaa ah in ciidamadaasi maalmihii ugu danbeeyay si xun ula dhaqmayeen  shacabka.

Dadka shacabka ah oo Warbaahinada maxaliga ah ay wax ka weydiiyeen wararkaasi soo baxaya ayaa xuseen in waxa Itoobiya soo wado aysan u wanaagsaneyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed,waxay muujiyeen dareen xitaa dagaal keeni kara.

Shacabka Degmada Dooloow waxay tilmameen in wada shaqeyn uu ka dhaxeeyo maamulka Degmadaasi iyo Ciidamada Itoobiyaanka taasina ay xitaa ka hor taagan tahay inay sameyn karaan wax isu soo bax cabsi ay ka qabaan in ciidamadu wax yeeleeyaan.

Dhor bil ka hor ayay ahayd markii Col.Barre Hiiraale oo ah siyaasi muwaadin Soomaaliyeed ah ay ku amreen ciidamada Itoobiya inuu Dooloow ka baxo balse uu ku yiri dalka anaa  iska leh,sidoo kale isla xiligaasi waxaa jirtay inay ciidamo Milatarga Somalia ka tirsan ay ka celiyeen wado dhex marta Dooloow,waxana arinta hada soo cusboonaatay ku soo aadeysaa xili labada dal uu hada ka dhex jiro kala shaki kadib markii Itoobiya soo damacisay dhul Badeed ku yaal Gobolka Awdal ee Maamulka Somaliland.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleShil Dhimasho badan sababay oo ka dhacay duleedka Magaalada Jig-Jiga
Next articleHogaamiyaha Xamaas oo Doxa ugu tagay una tacsiyeeyay Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here