Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Raas Casayr ayaa gacanta kusoo dhigay doon hub siday iyo ragii watay.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr G/sare Fu’aad Mohamud Garab-yare oo Howl-galma hogaaminayay ayaa sheegay in ciidamada Gobolku hayeen xogta doontan isla markaasna ay ciidamada Kala Duwan ee Gobolku heegan ugu jiraan Sugida Amniga guud.

Advertisement

Taliye Fu’aad ayaa u digay cidkasta oo ku heelan in ay wadanka soogaliyaan hub sharci dara ah isagoo sheegay in howlgalkan uu siisocon doono.

#FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND

Previous articleMareykanka oo wali aan ka quusan xabad joojin laga hirgeliyo Gaza
Next articleDAAWO: Aabaha dhalay Abwaan C/raxmaan Abees oo sheegaya inuu isagu ka danbeeyo xariga wiilkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here