Sida ay sheegtay Idaacada Dowlada Soomaaliya ciidamada Xooggga Dalka ayaa la wareegay goor dhaw deegaano hor leh oo ay hore u joogeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deeganada ay ciidamada Dowladu la wareegeen waxaa ay kala yihiin Cad-cadeey iyo Cadaan-laxeey oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe.

Advertisement

Xoogaga Alshabab ayaa la sheegay inay dagaal la’aan isaga baxeen deegaanadaani markii ay ogaadeen in lagu soo socdo.

Ciidamada Milatariga iyo kuwa macawisleyda oo is garabsanaya ayaa maalmahaan danbe waxay ku socdaan dar daro kadib markii dhawaan madaxweyne Xasan sameeyay afaro uu ku dhiiri-galinaayo ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleey.

Xafiika wararka

Dayniiile,com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here