Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS iyo taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliya oo Jawhar tababar xirafdooda kor loogu qaadayay ugu soo xiray ciidankaan sida gaarka ah u tababaran ee Gor Gor.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Abdi Nur Daahir Fodoow iyo Taliyaha ciidanka dhulka S/guuto Dayax Abdi Abdulle ayaa ciidanka ku bogaadiyay muddadii ay u samreen tababarkii adkaa, xiligaana ay tahay waqtigii loo baahnaa ineey qibradoodi ciidan ay ugu adeegaan Shacabkooda Soomaaliyeed.
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska ah oo ka mid ah Guutada 18aad ee Gor Gor Ayaa door muhiim ah ka qaatay Xoreynta dalka iyo Burburinta Cadowga Khawaarijta, Waxayna markale u diyaar garoobayaan Howlgalka Xoreynta dhulka ku jira Gacanta Cadowga.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA




