Garoowe :16 November 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah kaasi oo ku saabsan xaaladda Biyaha kusoo fatahay Degmada Gaalkacyo iyo Sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay .
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay
Guddigii Wasaariirada ahaa ee loo xilsaaray fatahaada Gaalkacyo iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka, Iyadoo Kulanka ay sidoo kale ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.
Shirka waxaa looga hadlay:
1. In magalaada biyaha laga saaro.
2. Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa.
3. Sidii loogu gargaari laha dadka waxyeeladu kasoo gaartay.
4. Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa muujiyey sida dhow ee Dowladdu ula socoto xaaladda Roobabka, gaar ahaan daadka kusoo rogmaday Gaalkacyo, iyadoo hore Dowladdu Guddi Wasiiro ah u dirtay Gaalkacyo, hadana waxaa la qorsheynaya sidii magaalada looga saari lahaa xaaladda fatahaad ee kajirta.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
May be an image of 1 personMay be an image of 8 people and textMay be an image of 9 people, dais and text that says "GAALKACYO FLOOD CRISIS"May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 10 people, dais and text that says "GAALKACYO FLOOD CRISIS"May be an image of 5 people, people studying, newsroom and text that says "GAALKACYO FLOOD GAALKACYO CRISIS 2"May be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and text
Previous articleKulankii maanta ee Golaha Fulinta SSC Qaatumo iyo qodobada looga hadlay+SAWIRRO
Next articleCiidamo Gor-Gor ka tirsan oo tababar loogu soo xirey Jowhar+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here