Laascaanood, 16 November 2023:- Hoggaamiye-ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil ayaa shir-guddoomiyey kulankii 6aad ee Golaha Fulinta.
Kulanka ayaa warbixino lagaga dhagaystay Xoghayayaasha kala duwan ee maamulka, iyadoona laga warbixiyay u diyaargarawga furitaanka Canshuuraha iyo dhammaan habraacyada Maaliyadeed ee maamulka kaddib ansixinta hindise-sharciyeedyada horyaal Golaha Dhexe.
Kulanka ayaa sidoo kale diirrada lagu saaray adkaynta iyo xoojinta nabadgelyada deegaanka, iyadoo Goluhu isku raacay in Maamulka SSC-Khaatumo ay markasta nabadda ugu baaqaayaan cid kasta, diyaarna u yihiin derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaansho.
Golaha ayaa u mahadceliyey shacabka SSC-Khaatumo sida ay markasta u garabtaaganyihiin maamulkooda, wuxuuna Goluhu ugu baaqay in shacabku labanlaabaan dedaalka iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska iyo adkaynta nabadgelyada deegaannadda maamulka SSC-Khaatumo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: Info@ssckhaatumo.so
May be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 6 people and table
Previous articleCali Guud-laawe muxuu ku soo arkay Mahadaay+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne xigeenka Puntlabnd oo shir gudoomiyay kulan degdeg ah+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here