Abwaan Maxamuud Maxamed Ibraahim oo ku magac dheer Abwaan Jeesto ayaa la soo sheegayaa inuu gaaray Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe kadibna uu ku biiray dagaalamayasha Alshabaab.
Abwaabka oo ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee Maamulka Somalliland ayaa mudooyinkaan danbe ku sugnaa Magaalada Muqdisho iyadoona xitaa mar Dowladu xirtay.
Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Somalia  ayaa xirtay bishii Oktoobar sanadkii 2023-kii markii uu Facebook ku soo qoray hadalo Alshabaab uu ku taageerayo balse asbuuc kadib waa la sii daayay.
Abwaankaan hada waxaa la sheegay inuu si rasmi ah ugu biiray Alshabaab iyadoo aqbaartaani warbaahintu hadal heyso maanta walow muuqaal xaqiijin ah aan wali  laga helin abwaanka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleTababar Muqdisho uga furmay Saraakiil iyo Ciidamo Booliis ah+Sawirro
Next articleDooman nuuca raaxada iyo dalxiiska oo la keenay Xeebaha Muqdisho .+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here