MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Caasimada Dalka ee Muqdisho ku soo kordhiyay Doomanka dalxiiska iyo raaxada.
Xeebta Deegaanka Abaay-dhaxan ee duleedka Xamar ayaa lagu arkay dooman kaasi oo  casri ah islamarkana ah nuuca  raaxada iyo dalxiiska kaasoo ay ku damaashadayeen dhalinyarada reer Muqdisho.
Tv-ga Dalsan ayaa soo bandhigay xeebta Abay-dhaxan ee Muqdisho oo dhalinyardu ku dalxiisayaan doomanka yar-yar ee casrig ah kuwaasoo maalmaha fasaxa iyo dabaal degyda looogu talo galay in lagu kaxeeyo xeebaha.
Inta badan dhalinyaradii Tv-gu wareystay waxay muujiyeen inay ku faraxsan yihiin nabada Xamar iyo doomanka casriga ah ee loo keenay inay ku damaashadaan.
Sidoo kale masuul u hadlay dhalinyada ganacsiga u keensaday doomanka raaxada iyo dalxiiska ayaa sheegay inay agab kale oo dheeraad ah sidaan oo kale dalka u keeni doonaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleAbwaan Jeesto oo la sheegay inuu ku biiray Alshabaab
Next articleMaxay Booliiska ku soo kordhineysaa Xarunta uu maanta dhagax dhigay Ra’iisulwasaare xigeenka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here