Taariikhdu marka ay ahayd 12/08/2023 ayaa galbeedka deegaanka Guriceel waxaa laga soo qafaashey 6 odeyaal dhaqameed oo waayeela oo ay intooda badan da’doodu u dhexeyso 70 – 90 jir, waxaaana soo xirtay madaxa hayada NISA Mudane Mahad Maxamed Salad oo adeegsanaya awooda Madaxweynaha Hassan Sheekh Maxamud, oo ay ilaa iyo hadda ay isaga awoodiisa ugu xiran yihiin xabsiga NISA ee Godka Jilicow oo ku yaala meel u dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana xarigooda lala xiriirinayaa aano qabiil oo ah gacankudhiigle baxsada oo ay dhiig ahaan yihiin heybwadaag oo masuuliyada faldembiyoodkiisa dhiiga ehelnimo oo kala dhexeeya awgeed oo keliya ay ku muteysanayaan iney wadar ahaan ay la wadaagaan masuuliyadda ciqaabta faldambiyeedka uu geystey gacan ku dhiiglaha ay isku qabiilka yihiin, waxeyna gaboodfalka sida wadarta ah loogu geysanayo waayeelkaas aan waxba galabsan ay meel ka dhac ku tahay heybada xilka uu hayo madaxweynaha oo ah ilaaliyaha dastuurka oo uu waajib ka saran yahay dhowrista xuquuqda iyo xoriyadaha uu dastuurku siiyey muwaadinka .
Lixda odey dhaqameed oo xabsiga NISA ee Godka Jilicow ku xiran waxey kala yihiin: 1- Nabadoon Nuur Rooble Xirey (90 jir). 2)- Nabadoon Xirsi Cumar Xayle (90 jir). 3)- Nabadoon Axmed Shire Samatar (75 jir). 4)- Nabadoon Axmed Maxamud Dhoore (8o jir). 5)- Nabadoon Maxamed Maxamud Dhoore (90 jir dhagoola). 6)- Nabadoon Farxaan Cabdullahi Xirsi (55 jir). Waxaana odeyaashaas waayeelka ah loo soo xiray aano qabiil oo laba reer oo walaalo ah dhexmartay kuwaas oo iska kala diley laba ruux oo kala ah; marxuum Cali Axmed Maxamud (AUN) oo la diley taariikhdu marka ay ahayd 12/082015 iyo marxuum Kamas Cabdulnur Xiirey (AUN) oo la diley taariikhdu marka ay ahayd 08/08/2023, waxeyna labada reer oo walaalaha ah ay qabaan iney si ehelnimo leh ay heshiis ugu wada dhameystaan dhibaatada ay kala tabanayaan sida ay ahayd caadada soo jireenka ahayd ee u dhexeysey labada reer, balse xaaladda ay murjisey kadib markii hal reer keliya laga dalbaday iney keenaan gacan ku dhiiglaha baxsaday oo aysan gacanta ku hayn.
Ma ahan markii ugu horeysey oo dadka degen qorraxsinka Guriceel loo geysto gaboodfalo la xiriira ciqaab wadareed (collective Punshment) iyo dagaalo dadka lagu xasuuqayo, waxeyna ka soo bilaabatay xukunkii Madaxweyne Aden Cade (AUN) oo uu awoodiisa adeegsanayey Gen. Maxamed Abshir Muuse Haamaan (AUN), taas oo ay ka dhalatay jabhadii Koofiyo Dhuub inta u dhexeysey 1964-1967, waxaana taas xigtey xukunkii Madaxweyne Maxamed Siyad Barre (AUN) ee (1975-1991) uu woodiisa adeegsanayey madaxweyne ku xigeenkiisa Gen. Maxamed Cali Samatar (AUN), waxaana sooyaalka dhow taas xigtey Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamud (2012-2017) oo uu awoodiisa adeegsanayey wasiirkiisa madaxtooyada Mudane Wasiir Mahad Maxamed Salad oo dagaal la galay dadka reer Guriceel tariikhdu marka ay ahayd Februry 11, 2015, xiligaas oo uu galmudug madaxweyne ka ahaa Mudane Cabdikarim Xuseen Guleed, waxaana sidoo kale taas raacday dagaal kale oo ka dhacay Guriceel ee uu horboodayey Mudane Xildhibaan Mahad Maxamed Salad oo adeegsanayey awooda madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo taabici u ahaa Fahad Yasin oo ahaa madaxa sirdoonka dowladda oo adeegsanayey awooda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Masuulka sameynaya ciqaab wadareedka (Kin Punishment ama Corruption of Blood) wuxuu doonayaa inuu gobodfalka uu u geysanayo waayeelka qaraabada dhow la ah gacan ku dhiiglaha iney godobreeb u noqoneyso reerka dhibanaha u ah gacan ku dhiiglaha, sidaasna uu uga hortegayo iney sii socoto silsilada isdilka aanada qabiil ee reeraha godobta sooyaalka ah kala tirsanaya, balse xeeladxumadaas aysan ahayn mid soo celineysa isku dhelitirnaanta xasiloonida bulshada u dhexeysa, waxeyna taas aysan meesha ka saareyn rabitaanka baahida loogu qabo kala aarsiga, balse waxaa falkaas ciqaab wadareedka ah loo arkayaa inuu yahay mid ka turjumaya aarsi ku saleysan heybsooc lagu beegsanayo dad aan waxba galabsan oo heybta ay la wadaagaan gacan ku dhiigle awgeed loogu ciqaabayo dembiyo aysan gelin.
Xariga ay madaxda dowladda ku soo xirayso madax dhaqameedka ay leeyihiin reer miyiga oo lala xiriirinayo faldembiyeedyada aysan lugta ku lahayn ee ka dhaca deegaanada miyiga oo ay degaan reerahoodu, wuxuu cabirayaa fikirka qaldan oo ay dowladdu ka qabto oo ah in reeruhu ay yihiin beelo u abaabulan qaab ku dhisan ku dhaqanka faldembiyadeed abaabulan (Organized Crimes) ama iney yihiin gaangistaro u abaabulan iney yihiin kooxo argagixiso (Terrorist Groups), kuwaas oo banaan joog ka ah ku dhaqanka sharciga dowladda (outlawed Criminals) ee ku dhisan xukunka rayidka, waxaana habdhaqankaas lidka ku ah wanaaga dowladnimada la adeegsadaa xiliyada dagaalka oo qiil marmarsiyo ah looga dhigto tacdiga lagula kacayo maxaabiista cadowga iyo kuwa lagu soo qabto tuhunada la xiriira argagixisonimada.
Gaboodfalka lagu geysanayo metelaada magaca awooda dowladda sida wakiilnimada ah loogu soo ergeysanayo ayaa waxey tilmaameysa in ku xadgudubka xuquuqda dadka ay ka mid tahay cudur siyaasadeedka dowladda ay ku fushaneyso dembiyadeeda siyaasadeed, taas oo marka la fiiriyo aan qeyb ka ahayn sharciyada dalka u degsan, balse ah mid gaboodfalada si baahsan loogu adeegsado xeeladeysi aan xal, xaq, iyo xalaal mdna ahayn, iyadoo madaxda dowladda ugu sareysa ay indhaha ka qarsanayaan ama ay dulqaad u muujinayaan adeegsiga habdhaqankaas fooshaxun, waxeyna taas ay madaxdu si dadban ugu ogolaaneysaa iney raali ka yihiin adeegsiga dhaqamadaas fooshaxun oo loo arko kuwo meel ka dhac ku ah damiirka dadnimada, karaamada xuquuqda wadaniyadda, iyo garsoorka dowladda oo dadka cadaalad loogu xaqsoorayo.
Dhaqanka lagu xeerinayo ciqaabta guud ee loo geysanayo xubnaha ka tirsan qoys ama reer oo qof ka mida uu geystey faldembiyeed waxaa loo yaqaan (Symbiotic Harms), wuxuuna ahaa mid adeegsigiisa uu ka dhaqangalay waktigii loo yaqaaney (Middle Age) oo ku soo dhamaaday qarnigii 15aad, wuxuuna ahaa inta badan qaabciqaabeed salka ku haya magdhow dhaqaale oo lagu ganaaxayo qoyska (Collateral Consequencies), looguna aqoosanayo iney dhamaan xubnihiisu ay dembileyaal u yihiin heybwadaagta ay la leeyihiin dembiilaha geystey faldembiyeedka oo ka tirsan qoyskooda (Guilt by Association), waxaana xeerdhaqankaas qaldan uu ogolaanayaa in masuuliyada qofeed ay la wadaagaan xubnaha qoyskiisa ama qabiilkiisa oo ay ka dhexeyso waxtarka ay ku wada wadaagayan dhiiga, dhaxalka, iyo difaac guud (Secondary Punishment).
Ciqaabta guud ee lagula kacayo qoys ama reer waa midaan aqoonsanayn masuuliyada qofeed ee ku kooban qofka dembiga geystey, waxeyna salka ku haysa in sida ay qoysku u wadaagaan waxtarka wadajirkooda ay si la mida u wadaagaan waxyeelada ay geystaan xubnaha iyaga ka midka ah, waxeyna taas ay sabab ugu noqoneysaa in ka mid noqoshada qoyska ama qabiilka ay xubnihiisu ku wadaagayaan tolnimada ay si taas la mida ay qiil uga dhigeyso in eeda loo soo jeediyo xubin ka mida qoyska iney tahay mid dhamaantood ka wada dhigeysa iney yihiin dembiileyaal marag ma doonto ah, waxeyna ciqaab wadareedka ay inta badan ku fushaa waxgaradka indhaha u ah beesha sida odey dhaqameedyada, ganacsatada, iyo masaafurka oo aan waxba kala socon faldembiyeedyada dhaca, balse waxa keliya oo ay ciqaabta kula wadaagayaan ay tahay xiriirka kala dhexeeya heybta iyo iney deegaanka kula nool yihiin iyagoon wax awooda ama kontoroola aan ku lahayn dadka geysanaya xadgudubyada salka ku haya faldembiyeedka.
Habdhaqankaas lagu fulinayo ciqaab wadareedka wuxuu astaan u yahay dowladaha ay ka taliyaan diktatoorada, waxaana si foolxun sooyaalka dhow u adeegsadey xukunkii Naziga Jarmalka iyo faashiistaha talyaaniga iyo boqortooyadii hore ee Japan, waxaana hadda adeegsada boqotooyooyinka iyo madaxda dowladaha aan dimoqaradiga ahayn, shiinaha, iyo Kuriyada Waqooyi, balse hadda wakhtigaan la joogo dowladaha intooda badan wey mamnuuceen adeegsiga habdhaqankaas, waxeyna faldembiyeedka ku soo koobeen oo keliya qofka shaqsi ahaan u geysta, sidaasna waxaa looga soo gudbey eedaha lala xiriirinayo faldembiyeedka musuqa dhiiga ee ku saleysan tolnimada heybwadaagta ku dhisan, kaas oo aan la jaanqaadi karin mabda’ aasaasiga ah oo ku saleysan in qofku uu masuul ka yahay wixii dembiya oo uu isagu geysto, iyadoo aysan la wadaageyn eediisa cid kale oo aan ku lug lahayn faldembiyeedka.
Ciqaab wadareedka loo geysanayo xubnaha qoyska ama reerka oo aan waxba galabsan waxaa mamnuucidiisa markii ugu horeysey si rasmiya loogu dhawaaqay kadib markii la gaarey heshiis caalamiya oo inta badan ay wadamada adduunku wax ka saxiixeen ogolaanshaha ku dhaqankiisa, waxaana lagu magacaabay heshiiskaas GENEVA CONVENTION oo dhacay 1949, wuxuuna qodobkiisa 3aad uu leeyahay “Xeerka caalamka wuxuu si xooggan u cadeynayaa inaan qofna loo ciqaabi karin fal dembiyeed uusan gelin, waxaana la mamnuucay in faldembiyeed uu geystey qof in loo ciqaabo koox wadareed aan waxba galabsan, waxaana meelmarinta axdigaan damaandqaadaya dowladaha saxiixay xeerkan caalamiga ah”, waxeyna Soomaaliya ka mid tahay dowladaha saxiixay in xeerkaas dhaqangelintiisa ay ka dhigto qaanuun ka mid noqda sharciyada dalka u degsan.
Marka ay dhacdo in hayad wakiil ka ah dowladda ay sameyso xadgudubyo la xiriira hirgelinta ay ku meelmarineyso ciqaabta ku saleysan dhaqan wadareedka ayaa taas waxey tilmaameysaa iney awooda dowladda adeegsigeeda ay hayadaas ku sameysay gabodfal ka dhan ah xuquuqda dadka oo ay sida ay doonto ugu bartilmaameysaneyso dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo si xoogga loogu geysto afduub looga qaadayo xuquuqda xoriyadooda, iyagoo reerahooda uga maqan ogaansho la’aan iyo iney si xaqdaro ah ay xaqiraad ugu nool yihiin maxbuusnimo aysan ku haysan daryeel dadnimo, waxaana intaas u dheer inaysan ku xirnayn xukun maxkamadeed oo lagu qaaday, balse ay ciqaab ku muteysanayaan gabodfalo loogu geysanayo awood ka baxsan garsoorka cadaaladda, taas oo ay si joogto ah ugala kulmaan si xun ula dhaqan loogu geysanayo dhaawacyo nafeed oo jirka ku reeba xanuuno kala duwan, kuwaas oo ka dhasha cabsigelin loogu geysanayo hanjabaad nafeed iyo mid lagu caburinayo noloshooda ama lagula kacayo dabagalyo aan sharci ahayn.
Soomaaliya waxaa habdhaqanka dowladnimadeeda suurad xumeynaya madax taloxun oo daacad u ah rabitaanka madaxweynaha, kuwaas oo si buuxda ugu adeegsanaya awoodaha ay sida gaarka ah ugu idman yihiin, kuwaas oo ay ka soo ergeystaan madaxweyneyaasha ay u yihiin mataanahooda nafeed, waxeyna gacanyareyaashaas sida idaman u adeegsada awoodaha madaxweyneyaashooda ay maqaamka shaqsiyadooda ka dhigeysaa kuwo aan xuduud lahayn oo ka sareeya sharciga ama aysan jiran xeer qabanaya xadgudubyadooda ama xakameynaya awoodahooda ay ku geysanayaan gabodfalada arxandarida wata oo ay kula kacayaan dadka ay ugu tegeyaan deegaanadooda iyagoon dowladda uga wadin adeegyo wanaagsan oo wax ka taraya maslaxadooda, balse taas bedelkeeda ugu goodinaya awooda magaca dowlada iney dadkaas ugu geystaan cadaadis iyo caburin siyaasadeed oo ay rabaan iney ku gaaraan handadaad iyo cabsigelin ay ku damacsan yihiin iney si xoogga oo qasaba ay ku maamulaan madaxtinimada dowladda deegaankooda.
Odeyaashaas waayeelka ah oo inta ay soo jiriin noloshooda aysan marna dadkoodu ka helin waxtarka ay ka mudnaayeen dowladnimada Soomaaliyeed ayaa waxaa dhacda inta badan in taas bedelkeeda ay kala kulmeen habdhaqanka dowladda sooyaal xun oo dhaxalsiiyey iney ku noolaadaan gobonimo saboola, waxaana sidaas awgeed loogu baaqayaa madaxda sare ee dowladda hadda jirta inaan dayaca dowladnimada ka haysta dadkaas aan loogu darin in lagu ciqaabo qaan aysan gelin oo salka ku haysa musuqa lala xiriirinayo dhiiga ay la wadaagaan tolweynaha ay ka tirsan yihiin, sidaas daradeedna waxaa dowladda si qadarin leh looga dalbanayaa iney si ku dhisan wanaag dowladnimo iney u saxdo qaladaadka ay ka gashay odeyaashaas dhaqanka, waxaana looga baahan yahay iney si xushmad leh ay ugu soo celiso xoriyadooda, islamarkaasna ay ka raaligeliso afduubka madaxfurashada loogu soo qafaashey.
FG: QORMADA WIXII DHALIIL IYO AMAAN AY YEELATO WAXAA MASUUL KA AH QORAAGA
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com
