MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur ayaa u xaqiijiyay TV-ga Dalsan in dhaawacyo ay soo gaareen qaar ka mida ciyartoyda Koonfur-galbeed ciyaartii galabta kadib.

Masuulkaan ayaa sheegay in dhaawacyo culus ay soo gaareen Laba ciyaartoy oo mida xulka Koonfur Galbeed kadib markii Basklii ay saarnaayeen lagu weeraray dhagxaan ciyaartii markii ay soo dhamaatay oo ay garoonka ka sii baxayeen.

Advertisement

Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur C/fataax  wuxuu xusay in labada ciyaartoy ee dhaawacyada waa weyn ay gaareen ay kala galabta kala ciyaarayeen lanbar 9 iyo Lanbar 3.

“labada ciyaartoyd midkood isha ayaa la ii sheegay inay halis ku jirto dhibaatada gaartay darteed”ayuu yiri Agaasime C/fataax oo la hadlaayay TV-ga Dalsan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xiliga dhibaatadaasi ay gaareysay aysan degdeg uga falcelin ciidamadii amankooda u xilsaarnaa ayna goob joog ahaayeen markii weerarkaasi dhagxaanta ah uu dhacaayay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Taageerayaasha reer Koonfur-Galbeed laftooda inay weerarkaasi gaysteen markii ay ka caroodeen ciyaar xumadii ay maanta soo bandhigeen islamarkaana ay ciyaartoyda Galmudug kaga adkadeen 3-0.

Isbitaal ayaa la dhigay ciyaartoyda dhaawacyada ay soo gaareen si dhaqaatiirtu u daweeyaan.

Maaha Markii ugu horeysay oo ciyaartoyda Koonfur Galbeed dhagxaan lagu weeraro ay ku dhaawacmaan islamarkaana isbitaalo la dhigo,sanad hore ayaa sidaan oo kale loogu weeraray dhagxaan balse markaas waxaa ka danbeeyay taageerayaasha Gobolka Banaadir halka galabta qorax dhicii weerarku uu uga yimid taageerayaashooda oo ka carooday guul darada Galabta ay kala kulmeen Galmudug.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 2 people, people playing football, people playing American football and hospital

Previous articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Soomaaliya
Next articleDAAWO: kooxda Konfur galbeed oo ka cabaneysa weerarkii dhagxaanta iyo Tartanka oo ay gabi ahaanba ka baxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here