“Argagaxisada dalka aan ka saarno sidii wiilal inagoo kale ahaa  gumeystihii dalka uga saareen

AL-KOWTHAR (DAYNIILE.COM)- Col.Baakay oo ka mida Taliyayaasha Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ayaa ciidamadiisa mar uu kula hadlaayay Degmada Al-kowthar ee Gobolka Hiiraan wuxuun ka hadlay ajaaniibta alshabaab la safan.

Advertisement

Baakay wuxuu sheegay in Ajaanib dalalkooda ka soo carartay ay rabaan inay ku dhuuntaam dhulkeena.

“Dembiile Ajnabi ah inuu dalkeena ku dhuumaaleysto ma ogolaaneyno”.ayuu yiri Korneelka

Sarkaalkaan wuxuu ciidamada ku dhiiri geliyay in 9 bilood lagu wada dhashay walibana ay ciidamafa Dowladu u dheer tahay inay dalkooda koogaa  sidaas oo kalana ay caqiido ku dagaalamayaan.

“waa inaan argagaxisada dalka uga saarnaa Sidii wiilal anagoo kale ah ay Gumeystihii cadaanka ahaa dalka uga saareen.”ayuu mar kale yiri Korneelka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleDAAWO: Xukuumada Dan-Qaran qaabkee usoo dhaweysay Xuskqa 12-ka Apriil
Next articleWararkii ugu danbeeyay ee Xaalada Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here