Wadac wadac.

Soomka 15-ka Maalin ee hore waxaan dhahnaa Marxab marxab yaa Ramadaan,inaga oo soo dhaweyneyo.
Kala bar marka uu gaaro 15-ka dambe waxaan dhahnaa Wadac, wadac ayaa Ramadaan innaga oo sii Sagootineyno.

Advertisement

Ma is weeydiisay Cumrigaagu ma Marxab marxab ayuu ku jiraa, mise Wadac wadac?

Sida Qu’aanku noo sheegay ( Ashaddal Cumri ) waa 40 jir. Taa macnaheedu ma ahan in ay tahay Kala barkii Cumrigaaga. Waxaa laga yaabaa in aad 20 jir tahay oo Cumrigaaguna uu wadac wadac ku jiro oo aad soo dhaaftay bartamihii Cumrigaaga oo laga yaabo in aad ku geeriyooneysid 30 jir. Waxaa laga yaabaa in Qof 50 jir ah uu Marxab marxab ku jiro oo laga yaabo in uuna weli gaarin Bartamaha Cumrigiisa uuna ku geeriyoo doono 110 Sano jir. (F.S: 1aad)

Is jirhee, Soomku waxa uu gaaray Wadac wadac, Laakin Cumrigaaga ma ogid in uu ku jiro Marxab marxab ama wadac wadac oo aad ku dhawadahay Ajashii.

Khaatumo khayr leh Alla hana wada siiyo. Aamiin, Aamiin.

Qore: Yahya Amir

Previous articleWasiirka batroolka Somalia oo sheegay laba sano gudahood inay shidaal kaga soo saari doonaan Dalka
Next articleXildhibaanada oo maanta loo qeybiyay nuqulkii ugu danbeeyay ee wax ka badalka dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here