MUQDISHO (DAYNIILE.COM-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowlada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa faah faahiyay heshiiskii shidaal soo saarista ay la galeen Turkey isla markaana ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Wasiirka wuxuu sheegay in heshiiska soo saarista Shidaalka iyo Gaaska ay Dalkeena  Soomaaliya u horseedayso in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayso dhaqaalaha Dalka.

Advertisement

Wasiir C/risaaq wuxuu xusay inay mudo 2 sano gudahood  Somalia ku noqon doonto Dal ka mida kuwa dujida u iib-geeya shidalka.

“Waa  lagama maarmaan in Shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunidu, u gudbayso isticmaalka Tamarta lagana tagayo isticmaalka shidaalka”ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleNinkii dilay Wariye C/kariin Bulxan oo goor dhaw la toogtay
Next articleCumrigaagu ma Marxab marxab ayuu ku jiraa, mise Wadac wadac?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here