CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM) Maxkamada Galgaduud oo dhawaan xukun dil ah ku riday  C/Xakiin Qarahaye ayaa goor dhaweyd dilkii fulissy.

Masuuliyiin Maxkamada ka tirsan,shacab,ehelada wariyihii la dilay iyo ciidamada Magaalada Cabud-waaq ayaa goob joog ka ahaa goobta toogashada ay ka dhaceysay.

Advertisement

C/xakiin Qarahaye oo laftigiisu markii la xukumaayay si niyad leh u qirtay dilka wariyaha uu u geystay  una dalbaday in sharciga la marsiiyo ayaa ugu danbeyn waxaa laga oofiyay  xadkii sharciga Islaamku jideeyay.

Wariye Abdikariin Ahmed Bulxan ayaa marki la dilaayay maalmo ka hor ku sugnaa xarun agoonta lagu xanaaneeyo oo  masuul uu ka  ahaa.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Previous articleNin tooreey ku laayay dad badan Dalka Mareykanka
Next articleWasiirka batroolka Somalia oo sheegay laba sano gudahood inay shidaal kaga soo saari doonaan Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here