Afhayeenkii hore ee Booliiska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa xilka laga qaaday waxaana loo dhiibay Afhayeen cusub oo lagu magacaabo Qaasim Axmed Rooble oo horana usoo qabtay xilkaan.

“Waxaan galabta si rasmi ah ugu wareejinayaa xilka afhayeenka taliyaheyga iyo Afhayeenka cusub Gaashaanle Qaasim Axmed Rooble” ayuu yiri Afhayeenkii hore Sadiiq doodishe

Advertisement

Labada Masuul ayaa munaasabad ay ka soo wada qeybgaleen waxay ku kala wareegeen xilka iyadoo afhayenki hore Sadiiq doodishe uu xilka iyo file-kiisa ku wareejiyay Afhayeenka cusub.

Afhayeenka cusub ayaa uga mahadceliyay afhayeenkii hore sida sharafta leh uu xilka ugu wareejiyay,wuxuuna u rajeeyay inuu si hufan uga soo bixi doono shaqooyinka cusub ee loo wareejin doono.

Previous articleWasiirka Cadaalada oo u safray dalka Qadar
Next articleSoomaaliya “Qalab cusub ayaan u adeegsanaynaa xiriirka diyaaradaha dulmara Somaliland, kii hore waan joojinay’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here