=XIGASHO BBC SOMALI=

Diyaarad iyo calamo

Advertisement

Hawada Soomaaliya ayaa la kulantay mid ka mida xiisadihii ugu adkaa, taas oo la xiriritay maamulka hawada iyo cidda la xiriireysa diyaaradaha isticmaala.

Arrintan ayaa sababtay in duulimaadyo caalamiya ay la kulmaan warbixino duulimaad oo aan rasmi ahayn oo ay heleen, sida ay qireen Muqdisho iyo Hargeysaba, taas oo kor u qaaday khatarta heerka badqabka hawada ee Soomaaliya.

Haya’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wax laga badalay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada Somaliland, sababo la xiriira hubinta badqabka hawada, sida ay u sheegeen BBC da.

Axmed Macallin Xasan oo ah maareeyaha Hay’adda Duullimaadyada Rayidka Soomaaliya ayaa BBC-da u xaqiijiyey in hadda diyaaradaha maraya hawada Somaliland lagula xiriirayo qalab cusub oo ay bilaabeen isticmaalkiisa. Waxaa isticmaali doona qalabkaan hagayaasha diyaaraha ee Soomaaliya.

HAWADA SOOMAALIYA

Qalabkaan cusub ayuu ku sheegay inuu yahay taleefanka ku shaqeeya dayax-gacmeedka, kaas oo ay haystaan diyaaradha iyo xafiiska laga hago diyaaradaha ee Soomaaiya labadaba.

“Arrintaasi si fiican ayay u shaqaysay, wax walwal ahna kama qabno…dayuuradihiina wax saamayn ah kuma yeelan,” ayuu BBC da u sheegay Axmed.

Wuxuu intaas ku daray in habkani xaliyay carqaladihii ay la kulmayeen diyaaradaha dulmara hawada Soomaliya.

“Hadda waxaan arkaa diyaaradda Emaratis oo u socota Brazil oo maraysa hawada Soomaaliya marka si fiican ayey u socotaa” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Macallin oo ku sugnaa qolka laga hago diyaaradha ee Muqdisho.

Adeegsiga Taleefankaan ku xiran dayax-gacmeedka ayey haya’adda duulista ee Soomaaliya sheegtay in kaliya loo isticmaalayo duulimaadyada dul maraya hawada Somaliland oo kaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay haysato saddex nidaam oo ay kula xiriirto diyaaradha dulmaraya hawada, kuwaas oo kala VHF, taleefanku shaqeeya dayax-gacmeedka iyo qalab saddexaad oo ah mid ku shaqeeya internetka oo fariimo la isku weydaarsado. Waxay sheegtay in hadda ay meesha ka saartay qalabka VHF ee raadiyaha ah.

‘‘Duuliyaashu waxay hore u haysteen xorriyad ah inay adeegsadaan dhamaan saddexda nooc ee lagula xiriiro diyaaraha maraya hawada Soomaaliya, laakiin hadda waxaan qaadnay xorriyada qalabka kowaad ee raadiyaha,” ayuu BBC da u sheegay maareeye Axmed.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleDAAWO: Af-hayeenkii hore ee Booliiska oo xilka ku wareejiyay Afhayeenka cusub
Next articleMaxay kaga jawaabeen reer Somaliland in laga damiyay raadiyihii hawada ay ku qaseen dhawaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here