HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maareeyaha guud ee Haya’adda duulista iyo madaarada ee Maamul Goboleedka Somaliland, Cumar Sayid Cabdilaahi ayaa BBC-du wax ka weydiisay warka dowlada Somalia ka soo baxay ee ah inay Maamulka Somalland ka xireen qalabka VHF-ka kaasoo ah raadiyo dhawaan ay ku qaseen hawada Somalia islamarkana hada laga maamulo diyaaradaha u yimaada dhanka Muqdisho.

Maareeye Cumar Sayid Cabdilaahi wuxuu sheegay inay hawadooda iyagu maamulkaan islamarkaana aysan waxba ka jirin in laga maamulo Muqdisho balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal ahayd in qalabka VHF-ka ay hada isticmaalaan.

Advertisement

“ma jirto cid awood u leh inay joojiso diyaaradihii dul marayey hawada Somaliland iyo shaqada garoomada diyaaradaha somaliland”ayuu yiri maareeye Cumar Sayid.

Dhanka kale Maareeyaha garoonka Hargeysa wuxuu ku eedeeyay mar kale dowlada Somalia inay wadaan carqaladeyn dhanka hawada Somaliland ah,wuxuna dalbaday in arintaasi xal loo raadiyo.

Warka masuulkan u hadlay Maamul Goboleedka Somaliland wuxuu u muuqdaa inay quusteen hadana la gaaray xiligii ay Dowlada Somalia kala hadli lahaayeen in culeyska laga yareeyo madaama ay awal aaminsanaayeen inay raadiyaha wax ku qasi karaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

SOMALILAND IYO SOOMAALIYA XAGA HAWADA

Previous articleSoomaaliya “Qalab cusub ayaan u adeegsanaynaa xiriirka diyaaradaha dulmara Somaliland, kii hore waan joojinay’
Next articleDAAWO: Dowlada Somalia oo Gaadiid iyo agab kale kala wareegtay UNMAS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here