Garowe (dayniiile.com)-Ciidamo Tiradooda lagu sheegay 120  kana tirsnaa Daraawiishta Puntland ayaa isku dhiibeen Ciidamada Kumaandooska Danab ee mucaaaradsan siyaasada Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Dani.

Ciidamadaan Danab ayaa Garowe ku leh Saldhig Ciidan iyadoo dhowr marna ay isku dheceen Madaxweyne Saciid Dani arimo ku saabsan khilaafaadka dhanka Amniga.

Advertisement

Sarkaal u hadlay Ciidamada soo goostay ayaa sheegay inay uga soo tageen Saciid Dani mushaar la’aan 9 bilood ah iyo daryeel la’aan intaba.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay uga soo tageen xiisad abuurkiisa xili sida uu sheegay uu dhulka maamulka Puntland u horseedayo dagaalo iyo barakac shacab.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaal uu diyaariyay TV-ga Universal  kaasoo lagu faahfaahinayo  warbixintaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Muuqaalka xuquuqdiisa waxaa leh Universal Tv

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here