Muqdisho (dayniiile.com)-Maanta oo kale 14-ka November waxaa dunida laga xusaa maalinta cudurka Sokorowga waxaana loo qabtaa munaasabado.

Isbitaalka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga xusay maalintaan iyadoo maamulka isbitaalkuna bulshada maanta u sameeyay baaritaano lacag la’aan ah.

Advertisement

Baaritaanka ayaa kala ahaa dad cusub oo is baaraayay iyo kuwa la nool oo ogaanaayay heerka uu maraayo sokortooda.

Hal ku dhiga maanta ayuu Isbitaalku ka dhigay Sokorowga Halistiisa ogow kaalintaadana garo.

Dad badan ayaa ka faa’iideystay maanta furssda lacag la’aanta ee Isbitaalka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kuwaasoo ogaaday caafimaadkoods gaar ahaan inay qabaan iyo in kale ,waxayna u mahadceliyeen maamulka Isbitaaalka.

Haddaba Daawo Muuqaal uu diyaariyay Tv-ga Universal :-

 

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here