BAYDHABO (DAYNIIILE.COM)-Masuuliyiinta isboortiga iyo Ciyaartoyda Koonfur-galbeed ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo ee.Xarunta Maamulka Koonfur-galbeed.

Wasiirka Ciyaaraha Koonfur-galbeed ayaa hogaaminayay waxayna saaka ka dhoofeen Muqdisho kadib markii ay jimcihii ka caroodeen dhagxaan lagu weeraray bas ay la socdeen xulka Koonfur Galbeed.

Advertisement

Wasiirka ayaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kula hadlay saxaafada isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Magaaladooda ku soo laabteen.

Xildilhibaanada Faderaalka ku matala koonfur galbeed ayuu ugu baaqay inay la xisaabtamaan kuwii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday kooxdooda.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha oo Dhuusa-mareeb lagu soo dhaweyay+SAWIRRO
Next articleShil Dhimasho badan sababay oo ka dhacay duleedka Magaalada Jig-Jiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here