Muqdisho (dayniiile.com)-Xaafada say-biyaano oo isku xirta Degmooyinka Wada-jir iyo Hodan  ee Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka kacay dab xoog leh.

Dabkaan ayaa galaaftay inta badan xaafad ay daganaayeen dad barakacaya ah kuwaasoo nolosheedana markii horaba ay aad u liidatay.

Advertisement

Dabka waxaa la sheegay inuu dhaliyay Koronto wuxuuna qabsaday guri kaasoo sii gaarsiiyay xaafada barakacayaasha.

Kooxda Gurmadka degdega ee Dab-damiska Gobolka Banaadir ayaa goobta soo gaaray iyagoona damiyay intii ay ka soo gaareen walow xaafadaha barakacayaasba oo baco iyo baakado ka sameysan uu dabku u nugul yahay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Madaxda IGAD uga mahadceliyay  Doorkoodii qaadista cunuqabteynta hubka
Next articleBooliiska Turkiga oo mar kale amray in la soo xiro Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here