Maleeshiyo Beleedyo ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka kala dhacay Gobolada Galgduud iyo Mudug gaar ahaan dhanka puntland iyo Galmudug.

Deegaanka Xananbuure oo awalba dagaalku ka socday ayaa saaka la isku noqdaywaxaana uu u dhexeeya beelaha kala dega Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Advertisement

Sidoo kale Dagaalka laga soo sheegaayo Mudug ayaa u dhexeeya laba beelood oo reer Puntland ah iyadoo khasaare badana oo dhimasho iyo dhaawacba laga soo sheegay.

Dagaalka Mudug ayaa ka dhacay inta u dhexeya Bali-busle iyo Bube oo puntland hoos taga,Maleeshiyaad badan inay iska dileen sida wararka qaar sheegayaan halka dhaawacya badana ay jiraan.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa looga fadhiyaa inay xal rasmitya u keenaan dadka walaalaha ah ee dhiiga iska daadinaya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCiidamada Danab oo howlgalo qaasa ka fuliyay Jubaland
Next articleTaliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Saraakiil kale oo gaaray Magaalada Ankara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here