BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-
Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraann ayaa sheegaya in xalay saq dhexe uu dagaal ka qarxay xerada lama galaay oo u dhaw madaxtooyada Baladweyne.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalku u dhexeeyo Maamulka HIrshabelle iyo kooxo hubeysan oo la magax baxay Hiiraan State .

Advertisement

Labada dhinac ayaa dagaalkaadu soo gaaray saama aroortii sida wararka qaar sheegayaan waxaana iira khasaaro nafeed oo labada dhinac ah.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa xiisad ay ka dhex taagneyd maamulka Hirshabelle oo kooxo mucaarad ah oo la baxay Hiiraan State kuwaasoo diidan jiritaanka Hirshabelle taasoo ugu danbeyna keentay in dhiig daayo.

Ma iirto warar madax banaan oo faahfaahinaga dagaalkaasi iyo dhibaatada uu gaystay kaliya waxaa baraha bulshada lagu soo qorayaa guulo ay kala sheeganayaan dhinacyada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleSoomaali lagu dilay Cape-town.
Next articleWasiirada oo goor dhaw ansixiyay Golaha warbaahinta Qaranka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here