Kismaayo (dayniiile.com)- Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay duleedka Magaalada  Kismaayo ee Xarunta Maamulka Juballand.
Dagaalkaan oo u dhexeeyay Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa Alshabaab ayaa gaystay khasaa nafeed oo labada dhinac soo kala gaaray.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Daraawiishta Juballand ay weerarka qaadeen madaama Deegaanka lagu dagaalay oo lagu magacaabo Buulo-Xaaji oo Galbeedka Kismaayo ka xiga uu yahay fariisinka ugu dhaw Alshabbaab marka loo eego Kismaayo.
Fariisinkaan Buulo-Xaaji waxaa la sheegay inay mar kasta weerarada ka soo qaadaan Alshabaab markey howlgalo ka fulinayaan Magaalada Kismaayo.
Ma jirto ilo madax banaan oo sharaxaad ka bixiyay dagaalka iyo khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala gaaray.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleRoobab dhimasho sababay oo ka da’ay Gobolka Gedo
Next articleDuqa Muqdisho oo Dalka Turkey kula kulmay Dhiggiisa Magaalada Ankara+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here