Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiya ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa Magaalada Ankara Mudane Mansur Yavaş kadib markii uu Casuumad rasmi ah ka helay.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada Magaalo iyo dib usoo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara sanadihii 1989.

Advertisement

Guddoomiye Madaale ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxa uu la kulmi doonnaa Madax kala gedisan oo ka tirsan Dowladda Turkiya iyo hey’addo dhowr ah oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta.

XIGASHO MAAMULKA  GOBOLKA BANAADIR.

Previous articleDagaal culus oo duleedka Kismaayo ka dhacay
Next articleDAAWO VIDEO: Danjire Tarsan oo Nairobi kaga qeybgalay kulan lagu taageeraayay Dagaalka Dowladu kula jirto Alshabaab+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here