Garbahaareey (dayniiile.com)-Roobab waa weyn ayaa ka da’ay saacadihii ugu dambeeyay  Gobolka Geddo kaasoo saameyn khasaare nafeed iyo mid hantiyeed  ku yeeshay bulshada.
Roobka oo ka da’ay Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Geddo waxaa uu sababay dhimashada 2 ruux iyo dhawaca mid kale  sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye.
Khasaarahaan dhimashda ayaa ka dhashay markii uu soo dumay guri ku yaal Magaalada Garbahaareey sabab la xiriirta culeyska uu lahaa roobku.
Allaha u naxariistee dadka geeriyooday ayaa la sheegay inay ahaayeen xoogsato gurigaasna kiro ku daganaa.
Dhanka kale Roobab kale oo ka da’ay isla Gobolka Geddo gaar ahaan Magaalada Baardheere ayaa gaystay khasaare hantiyeed iyadoo bur burna uu soo gaaray buundadii magaaladaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleDAAWO VIDEO : Maxaa ka soo baxay Shirka Amniga Qaranka oo Muqdisho lagu qabtay
Next articleDagaal culus oo duleedka Kismaayo ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here