Wararka laga helaayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu goor dhaw oo maanta ah dhexmaray ugu danbeeyay laba Beelood oo reer Galmudug ah.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan u dhexeeya Magaaalooyinka Cadaado iyo Dhabad waxaana la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Advertisement
Lama soo sheegin khasaare dhimasho balse wararka horu dhaca ah ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo labada dhinacba.
Dagaalkaan oo u dhexeeya Beelaha kala dega Cadaado iyo Dhabad ayaa waxaa ka hadlay Madaxweyne xigeenka Galmudug Cali Siciid kaasoo ugu baaqay dadka walaalaha inay joojiyaan colaada.
“Xiligaan hal dagaal baa la ogol-yahay waana kan khawaarijta lagula jiro”ayuu yiri Madaxweyne xigeenka
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM